3798 Views

Roobab isdaba Joog ah oo ka Da’ay Somaaliya.

Roobab isdaba Joog ah oo ka Da’ay Somaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 1, 2017 – Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay guud ahaan dalka oo dhan, sida  ay sheegayaan shacab badan oo ku kala nool magaalooyin iyo degmooyin ka tirsan dalka. Roobabkan  oo aad uga da’ay gobolada qaar ayaa aad loogu Farxay, waxaana la arkayaa Caruur badan oo ay wajiyadooda ka muuqato farxad  oo  ku dabalanaya biyaha.

Mar aan la hadlay Beeraley ku kala nool Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe, waxay ii sheegeen in Alla u aqbalay baryadoodii Roob doonka ahayd, iyagoo sheegay in ay mardhow bilaabi doonaan Tacabkii Beeraha,  waqti dhowna wax soo saarkooda  laga dareemi doono guud ahaan dalka oo dhan.

Sidoo kale waxaan la hadlay Xoolo dhaqato ku kala nool  Bay, Bakool iyo Hiiraan, waxayna ii sheegeen in ay aad ugu Faraxsanyihiin Roobabka da’ay, ayna rajaynayaan mardhow Xoolahooda in ay heli doonaan Daaq iyo Biyo ku filan, iyagoo intaas ku daray in ay deg deg u TARMI doonaan ama u Badan doonaan Xoolihii ku dhamaaday Abaartii dhacday.

Ugu dambeyn waxaan Shacabka kula dar daarmayaa in ay ku dadaalaan sidii ay u samaysan lahaayeen Warro biyoodyo  kayd ah iyo Ceelal, si loogu badbaado hadii ay dhacaan  Abaaro iyo Masiibooyin  lama filaan ah.

Sida lawada og yahay, waxaa jira dad ka soo Qaxay degaanadii ay horey u deganaayeen, kuna soo Qaxay deegaano kale, hadaba waxaa haboon dadkaasi  in ay ku noqdaan deegaanadii ay ku noolaan jireen, si uu san u dhicin Nabaadguur iyo Xaalufin ku dhaca deegaanka, waayo deegaanka hadii laga kala guuro, wuxuu noqonayaa deegaan aan wax tar lahayn, waxaana suuro gal ah in DHIRTA la jaro oo dhulkaasi uu noqdo lama degaan.

Waxaa Mahad mudan Allahii u madiisa u gargaaray, kana qaaday  Murugadii Xanuunka badnayd ee ay sababtay Abaartii  dhacday.

W/Q  Cumar Farax

Qaranimo-online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment