576 Views

Bare wax ka dhiga Jaamacad oo loo ganaaxay Salaad uu tukaday

Bare wax ka dhiga Jaamacad oo loo ganaaxay Salaad uu tukaday
____________________________________________________________________________

Khamiis June 2, 2022

Maamulka Jaamacad ku taalla dalka Hindiya ayaa fasax ganaax ah u diray Macalin ka mid ah macallimiintooda kaddib markii uu faafay muuqaal laga duubay isagoo tukanaya.

Ninkan ayaa wax ka dhigayay xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada caanka ka ah dalka Hindiya ee Aligarh.

Qof ayaa muuqaal ka duubay isagoo salaad ku xirtay meel ka mid ah barxadda dhismaha Jaamacadda, halkaasoo u muuqatay in aan loo oggolayn cibaadadiisa.

Muuqaalkan ayay markii dambe ka war heleen mas’uuliyiinta ugu sarraysa ee jaamacadda, waxaana la magacaabay guddi soo baara sida ay wax u dhaceen.

about:blank Ururrada Hinduuga xagjirka ah oo uu xitaa ka mid yahay xisbiga talada haya ee BJP, ayaa billaabay in ay dhaleeceeyaan Macalinkan.

Arrintan ayaa sidoo kale si wayn looga hadlay dhinaca baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay kasoo horjeesteen salaadda macallinka, halka qaar kalena ay cambaareynayeen fasaxa halka bil ah ee lagu khasbay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post