1509 Views

Qaar Kamid ah Wadooyinka Muqdisho Oo Saakay Xiran

Qaar Kamid ah Wadooyinka Muqdisho Oo Saakay Xiran
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 18, 2019–Ciidamada Ammaanka soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xireen wadooyin ka mid ah kuwa muhiimka ah ee Magalada Muqdisho,iyaga oou diidaya inay isticmaalaan Gaadiidka dadweynaha iyokuwa sida gaarka ah looleeyahay.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Wadada,Wadnaha,30-ka iyo qeybo ka mid ah Jidka Warshadaha ee Magalada Muqdisho,waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababaha looxiray Wadooyinkaas.

Wararka ay heleyso Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegayaan in Madax ka tirsan dowladda ay ka qeyb galayaan dhagax-dhig lagu sameynayo Wadooyinka isku-xira Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar iyo Muqdisho iyo Afgooye oo dib u dhis lagu sameynayo kuwaas oo dhismahooda ay horay u balan qaaday dowladda Qatar.

Ciidamada ayaa u diidaya inay Gaadiidka isticmaalaan wadooyinka aan soo sheegnay,iyada oo la arkayay in dadka qaarkood ee u socda Shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwa waxbarashada ay lugeynayaan maadaama wax gaadiid ah uusan Shaqeyneyn.

Todobaadyadii la soodhaafay ayaa Bulshada Magalada Muqdisho waxa ay ka nasteen xirnaanshaha wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho,kuwaas oo la xiro  xilliyada ay madax dalka imaaneyso ama  munaasabadaha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment