1653 Views

Jabuuti Oo Lagu Qabtay Nin Ku Eedeysan Weerar Ka Dhacay Faransiiska

Jabuuti Oo Lagu Qabtay Nin Ku Eedeysan Weerar Ka Dhacay Faransiiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 23, 2018 –Saraakiisha Ammaanka ee dalalka Jabuuti iyo Faransiiska ayaa xaqiijiyey in Jimcihii la soo dhaafay Jabuuti lagu qabtay nin haysta dhalashadda Faransiiska oo lagu magacaabo Peter Sherif, laguna naanayso Abu Xamza.

Ninkaasi ayaa la tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerar bishii janaayo 7-dii ee sannadkii 2015-kii lagu qaaday Xafiisyadda Wargeyska Charlie Hebdoee magaalladda Paris, laguna dilay  12-qof oo u badnaa Tifafyirka iyo shaqaalihii Wargeyskaasi.

Wargeyskaasi waxa uu xilligaasi  soo bandhigay Sawiro lagu aflagaadeeyey Nebigeenna Muxumada Calayhi Salaatu Wasalaam.

Sawiradaasi waxaa si kulul u cambaareeyey inta badan dalalka Islaamka, oo sheegay inuu Wargeyskaasi si cad ugu xad-gudbay Haybada Nebigeenna Muxumad Naxariisi iyo Nbaadgeliyo korkiisa ha ahaatee iyo Diinta Islaamka.

Wasiirka Ciiddamadda Hubeysan ee dalka Faransiiska, Florence Parly waxay soo dhaweysay tallaabadda lagu qabtay Eedeysanaha, Peter Sherif oo isaga soo Islaamay sannadkii 2003-dii.

Waxa uu isla sannadkaasi, dagaal Jihaad ah u aaday dalka Iraq, xilligaasi oo ku beegnayd, markii ay Maraykanka duullaanka ku qabsadeen dalka Iraq.

Peter Sherif oo taabacsanaa Ururka Al-qaacida waxaa markii ugu horreysay lagu qabtay dalka Iraq sannadkii 2004-tii, xilligaasi oo uu u dagaalamayey Alqaacida.

Milliterigii Mraaykanka ee ku sugnaa Iraq waxay Peter Sherif iyo nin kale oo u dhashay Faransiiska ku qabteen meel ku dhow magaalladda Faluuja bishii December 2-dii ee sannadkii 2004-tii.

Bishii July ee isla sannadkaasi, Maxkamad ku taalla magaalladda Baqdaad waxay ku xukuntay 15-sanno oo Xabsi ah, balse waxa uu Xabsiga ka baxsaday bishii Maarso ee sannadkii 2014-kii, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Kooxda Daacish jebiyeen Xabsigaasi.

Peter Sherif waxa u safray dalka Syria, halkaasi oo lagu qabtay, waxaana loo masaafuriyey Faransiiska oo uu ku so oqaatay Xabsi 18-bilood ah.

Si kastaba ha ahaatee, xarigiisa isbuucan ee Peter Sherif lagu qabtay dalka Jabuuti waxaa markii ugu horreeyey lagu daabacay Shabakadda Wararka Faransiiska ee Marianne.

Shabakadda waxay sheegtay in Peter Sherif  sida ugu dhaqsaha badan loogu celin doono dalka Faransiiska, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Hay’adda Sharci-xoojinta ee dalkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment