717 Views

Twitter-ka Safaaradda Afghanistan ee India oo la jabsaday.

Twitter-ka Safaaradda Afghanistan ee India oo la jabsaday.
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 16, 2021 —Qoraallo kala duwan oo lagu faafiyay Barta Twitter-ka ee Safaaradda Afghanistan ee India ayaa lagu sheegay in la jabsaday, waxaa lagu daabacay qoraal lagu dhaleeceynayo Madaxweynaha dalkiisa ka baxsaday ee Ashraf Ghani.

Warbaahinta India oo qoraallo kala duwan ka qoray sheekadaan ayaa soo xigtay Xoghayaha Warfaafinta ee Safaaradda oo lagu magacaabo Abdulxaq Azad oo bartiisa ku sheegay in koontada loo dhacay laguna daabacay hadalka ka dahnka ah Madaxweynaha Afghanistan.

“Gacanteyda waxaa ka baxay Twitter-ka Safaaradda Afghan ee India, Saaxiibkey ayaa iisoo diray Sawir uu ka qaaday Twitter-ka balse aniga ma arki kari illaa markii dambe la hakiyay” ayuu yiri Azad oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

Afghanistan waxaa ka taagan qalalaase gudaha ah, Madaxweynaha ayaa baxday, Caasimadda iyo Madaxtooyada dalka laga maamulo waxaa gacanta ku dhigtay Taliban oo jidweliba la taagan Hub & Gaadiidka dagaalka.

Arrintaan waxa ay dab kusii shideysaa siyaasadda jahwareersan ee ka jirta Afghanistan sida ay ku doodeen dad si dhaw ula socda Xaaladda dalkaas, maanta waddanka ugu mashquulka badan dhinaca hawada waa Afghanistan maadaama daad-gureynta dadka ay socoto.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post