822 Views

War deg deg ah: Qarax xoogan oo goor dhawayd ka dhacay magaalada Muqdisho

War deg deg ah: Qarax xoogan oo goor dhawayd ka dhacay magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________


Sabti: September 25, 2021

Waxaa goor dhawayd ka dhacay magaalada Muqdisho Qarax aad u xoogan oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid is miidaamin ah ayaa ka dhacay albaabka laga galo Villa Soomaaliya gaar ahaan afaafka hore ee isgoyska Ceelgaabta.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray baabuurta Gurmedka deg deg ah, waxaana goobtaas ay tahay goob aad u mashquul badan.

Rasaas ayaa laga maqlayaa albaaba laga galo Madaxtooyada, lamina oga raga qaraxa geestay in ay gudaha u galeen aagaas iyo in kale.

Kala soco Wixii ku soo kordha qaraxaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post