1725 Views

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray xarunta Akadamiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray xarunta Akadamiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 12, 2018 —Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya  Mudane  Cabdullaahi Goodax Bare ayaa maanta kormeer ku tagay Akadeemiyada cilmiga fanka iyo suugaanta ee magaalada Muqdisho.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kormeeray  qeybaha ay ka kooban tahay Akadamiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayay ,guddoomiyaha Akadeemiyada cilmiga fanka iyo suugaanta Cabduqaadir Nuur Xuseen (Maax).

Kulan Wasiirka Waxbarashada iyo  Guddoomiyaha akadeemiyadda ku dhaxmaray xaruntan ayaa looga hadlay, horumarinta akadeemiyada iyo sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa dhismayaal ka mid ah Akadamiyada oo ay dagan yihiin dad shacab ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta sare Mudane  Cabdullaahi Goodax Bare ayaa sheegay inay muhiim tahay horumarinta Akadamiyada cilmiga fanka iyo suugaanta islamarkaana qorshaha ay ugu jirto in dib u dayactir lagu sameyo dhismayaasha bur bursan.

“Waxaan qorsheyneynaa sidii loo horumarin lahaa Akadamiyadda  cilmiga fanka iyo suugaanta maadaam ay tahay  meel lagu sax afka hoyo iyo qorista afka soomaaliya waxa ay u baahantahay shaqooyin badan oo ay kamid tahay in dib loosoo celiyo dhismayaasha ka maqan iyo in dayactir lagu sameyo, ka wasaarad ahaan dadaal ayaan ugu jirnaa arintaasi”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa dadaal ugu jira sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka, islamarkana dib u dhis loogu sameyn lahaa iskuullada iyo goobaha kale ee muhiim ah u ah waxbarashada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment