492 Views

Rag Tirsana Alshabaab oo Dhawan Lagu Xukamay Dil Toogashaa oo ka Baxsaday Xabsi ku Yaalay Magaalada Gaalkacyo

Rag Tirsana Alshabaab oo Dhawan Lagu Xukamay Dil Toogashaa oo ka Baxsaday Xabsi ku Yaalay Magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 14, 2022

Sida ay xaqiijinayaan warar laga helayo magaalada Gaalkacyo dhinaca waqooyi ee Puntland, ayaa sheegaya in saldhig gaar ah oo aad loo ilaaliyo kuna yaala duleedka magaaladaas.

oo ahaa goob lagu xiro dadka lagu hayo kamid ahanshaha kooxaha kasoo horjeeda amniga iyo Horumarka (Al Shabaab) ayay xalay maxaabiistii ku xirnayd qeybta xukumanayaasha jabsadeen mid kamid ah qolalka lagu xiray.

7 kamid ah Maxaabiista xukunaa ee horey u qirtay in ay dilal kageysteen magaalada Gaalkacyo ayaa baxsaday, sidaas oo kale Maxbuus ayay toogten ciidanku, halka midna dhaawacmay.

Saraakiisha Amnigu, waxay sheegayaan in ay qabteen Maxaabiistan isku dayda falkan, mase jiraan warar madax banaan oo dhacdada xaqiijinaya, xili warar sheegayaan in 3 baxsatay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post