825 Views

Turkiga oo raashin kaalmo ah gaarsiiyey qaar ka mid dadka ay abaartu saamaysay ee Soomaaliya

Turkiga oo raashin kaalmo ah gaarsiiyey qaar ka mid dadka ay abaartu saamaysay ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

.

Isniin: December 20, 2021

 Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegtay in maanta oo khamiis ah ay ugu yaraan 4,253 oo xirmooyin raashin ah ay gaarsiisay qoysaska ay abaartu waxyeellaysay ee ku sugan Koonfurta Somalia.

Raashinka oo uu soo diray wasiirka arrimaha gudaha iyo hay’adda maaraynta arrimaha deg degga ah ayaa waxaa qaybiyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu, deegaannada raashinka kaalmada ah la gaarsiiyey ayaa waxaa ka mid ah magaalada Kismaayo halkaas oo sida la sheegay ay ku sugan yihiin qoysas badan oo abaartu ay halakaysay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa taageeradaan uga mahadceliyey dowladda Turkiga iyo sida ay uga jawaabtay baaqa caalamiga ah ee wax loogu qabanayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu ay ku dhufatay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post