429 Views

Akhriso:- Ajendaha kulanka baarlamaanka Soomaaliya oo furmay

Akhriso:- Ajendaha kulanka baarlamaanka Soomaaliya oo furmay
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 7, 2022

Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho, waxaa maanta ka furmay kulanka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana shir guddoominaya guddoonka baarlamaanka.

Hoolka xarunta ee baarlamaanka waxaa ku sugan xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka, balse ajendhaha kulanka ayaa ah maanta in la meel mariyo xukuumadda Cusub ee lagu dhawaaqay tallaadadii aan kasoo gudubnay.

Sidoo kale, baarlamaanka waxaa hortagaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, kaas oo baarlamaanka ka hor-jeedin doona codsi la xiriira in ay ansixiyaan xukuumadda uu soo dhisay, taas oo ka kooban 26 wasiiir oo leh Wasiir ku-xigeeno iyo wasiir dowle.

“Beri oo  Axad ah, taariikhdu tahay 7 August, waxaa jira kulan weynihii  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shalay xafiiska Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Lama oga in Baarlamaanka Soomaaliya ay cod u qaadin doonaan xubnaha Xukuumadda cusub ku jira, kuwaas oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre sheegay in golahan uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay.

Sidoo kale, wuxuu intaa ku daray inuu usoo xulay wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo lagu shaqeynayo halku dhegga Madaxweynaha JFS ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post