303 Views

Isimada dhaqanka Dhulbahante oo dhisay gollaha Hogaanka Jabhada SSC ee ka soo hor jeeda Maamulka Somaliland

Isimada dhaqanka Dhulbahante oo dhisay gollaha Hogaanka Jabhada SSC ee ka soo hor  jeeda Maamulka Somaliland
____________________________________________________________________________

 Isniin: January 2023

Golaha sare ee dhaqanka Dhulbahante oo  ka ambaqaadayna go’aankii shirkii Dhulbahante ee lagu gudoomiyay unuga Hogaanka gobolada SSC ee Khaatumo, islamarkaana  tixgalinayna duruufaha adag/qalafsan ee ka taagan deegaankeena SSC, waxaa u muuqatay baahida looqabo ururin, hagis iyo howlgalin.

Waxaanu isla qaadanay in aanu si hordhac ah u magacaabno 9 ( Sagaal) xubnood oo kamida golihii 21ka (labaatan iyo kow) ahaa ee nalaga sugayay, Waxaanu kusoo dhamaystiri doonaa xubnaha dhiman sida ugu dhakhsaha badan insha Allah.

Waxaanu ku boorinaynaa xubnuhu inay yagleelaan qaab dhismeed kooda hogaamineed oo ku-meelgaadha inta lasoo dhamaystirayo xubnaha dhiman.

Waxaanu ka codsanaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad goboleedyada, Hay’adaha dowliga ah, kuwa madaxa-banaan, shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada SSC inay garab-istaagaan Hogaanka Gobolada SSC ee Khaatumo.

Magacyada Xubnaha:

1. Bashiir xaaji Cali Cilmi (Jamaal).

2. Dr. Maxamed Shiine.

3. Eng. Maxamed Ismacil Bulaale.

4. Maxamed Cawil cali Boobe.

5. Axmed Cabdi Xuseen ( Laari).

6. Maxamed Cali Macalin.

7. Cali Dhakaawe xaaji Xuseen.

8. Axmed-Kayse Cali shire.

9. Maxamed Caaqil Aadan.

WabiLaahi Towfiiq.

Golaha sare ee Dhaqanka Dhulbahante.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post