669 Views

Ruushka oo sheegay in ciidammadiisa uu dib uga celinayo xadka Ukraine

Ruushka oo sheegay in ciidammadiisa uu dib uga celinayo xadka Ukraine
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay dib u celinayso ciidammadeeda ku sugan goobaha u dhaw xadka Ukraine kaddib markii ciidammo badan oo halkaas la geeyay ay kiciyeen cabsi ah in dalkaas ay xoog ku galayaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in dhoollatuska ballaaran ee milateri uu sii socon doono balse qaar ka mid ah ciidammada ay dib ugu laaban doonaan saldhigyadooda.

Hasayeeshee, xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay in uusan arkin wax caddayn ah oo muujinaya in ciidammada Ruushka ay isaga baxeen xadka uu dalkaas la leeyahay waddanka Ukraine.

Mr Stoltenberg ayaa u sheegay weriyayaasha in Ruushka uu diyaarsaday wax walba oo uu weerrar ku qaadi lahaa. Hasayeeshee waxa uu soo dhaweeyay astaamaha muujinaya in dalkaas uu weli danaynayo inuu sii wado diblumaasiyadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post