1035 Views

Dowladda oo ka shirtay Ammaanka munaasabadaha maalmaha Xuriyadda

____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 21, 2020–Kulankan oo looga hadlay u diyaar gorowga qabsoomidda Munaasabadaha Maamuuska Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada JFS gaar ahaan Sugida amaanka ayaa dhex maray Gudigga Qaban qaabada 60 sano guurada Xoriyadda Soomaaliya iyo Saraakhiisha Ciidamada Qalabka Sida waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).
Kulanka oo Saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayey guddiga Xuska maalmaha xoriyaddu layeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka ee Qaranka oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, waxaa kale oo goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdraxmaan Aadan, Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed, saraakiil kasocday Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay Adkaynta Amaanka Caasimadda inta lagu guda jiro todobaadka Xoriyadda si gaar ahna looga gaashaanto falalka argagixiso ee cadawgu umaleeyagaan umadda Soomaaliyeed Masuuliyiinta ayaana ku nuuxnuuxsaday Muhiimada ay leedahay in Masuuliyadd layska saarayo goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto Maamuska Ayaamaha Xoriyadda JFS.
Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garawday xuska Todobaadka xoriyadda 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii layska tuuray heeryadii gumaystaha oo kabilaabanaysa 26 bisha juun maalintii ay gobolada waqooyi xoriyadda ka qaateen gumeystihii kuna eg 1dii Luuliyo oo ah Maalinta Xurnimada Goboladda Koofureed iyo Maalintii ay midooben Goboladii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya halkaas oo lagu aasaasay dowladii iyo ugu horeeyay gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Kulankan oo looga hadlay u diyaar gorowga qabsoomidda Munaasabadaha Maamuuska Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada JFS gaar ahaan Sugida amaanka ayaa dhex maray Gudigga Qaban qaabada 60 sano guurada Xoriyadda Soomaaliya iyo Saraakhiisha Ciidamada Qalabka Sida waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Kulanka oo Saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayey guddiga Xuska maalmaha xoriyaddu layeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka ee Qaranka oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, waxaa kale oo goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdraxmaan Aadan, Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed, saraakiil kasocday Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay Adkaynta Amaanka Caasimadda inta lagu guda jiro todobaadka Xoriyadda si gaar ahna looga gaashaanto falalka argagixiso ee cadawgu umaleeyagaan umadda Soomaaliyeed Masuuliyiinta ayaana ku nuuxnuuxsaday Muhiimada ay leedahay in Masuuliyadd layska saarayo goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto Maamuska Ayaamaha Xoriyadda JFS.

Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garawday xuska Todobaadka xoriyadda 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii layska tuuray heeryadii gumaystaha oo kabilaabanaysa 26 bisha juun maalintii ay gobolada waqooyi xoriyadda ka qaateen gumeystihii kuna eg 1dii Luuliyo oo ah Maalinta Xurnimada Goboladda Koofureed iyo Maalintii ay midooben Goboladii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya halkaas oo lagu aasaasay dowladii iyo ugu horeeyay gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post