2229 Views

RW Kheyre xil u Magacaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta

RW Kheyre xil u Magacaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxaa Maareeyaha guud ee Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed loogu Magacaabay Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac( Bashiir Goobe).

Wareegtada ayaa lagu sheegay in markii Ra’iisul Wasaaraha uu arkay baahida loo qabo dib u howlgelinta Wakaalada horumarinta dhismaha Soomaaliyeed & Aqoonta & waaya aragnimada sareeye Guuto Bashiir Maxamed Jaamac loo Magacaabay xilkaas.

Sdoo kale wareegtada ayaa lagu xusay in Xarunta Wakaalada horumarinta dhismaah Soomaaliyeed ay noqon doonto Xarunta Bisha Cas Ex-TIKA ee degmada Wadajir.

22-kii Bishaan ayay aheyd markii xilka qaadis lagu sameeyay talihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac,hayeeshee Maanta loo Magacaabay Maareeyaha guud ee Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment