750 Views

Shirkadda duulimaadyada ee United Airlines oo ku dhawaaqday inay hakineyso duulimaadka 24 diyaaradood

Shirkadda duulimaadyada ee United Airlines oo  ku dhawaaqday inay hakineyso duulimaadka 24 diyaaradood
____________________________________________________________________________

February 22, 2021 

Shirkadda duulimaadyada ee United Airlines ayaa ku dhawaaqday inay hakineyso duulimaadka 24 diyaaradood oo ah nooca Boeing 777 kadib markii mid kamid ah matoorada diyaaradahaas ay cillad ku timid waxyar un kadib markii ay duushay.

Sababta arrintan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo sameyn lahaa baaritaan dheeraad ah oo la xiriira waxa sababay in uu ololo matoorka diyaaradda, loogana baaqsado in shil noocaas oo kale ah uu dhaco markale.

Hey’adda duulimaadyada ee Mareykanka FAA ayaa amartay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo diuyaaradaha noocoodu yahay Boeing 777 ee ay ku rakiban yihiin matoorada ay sameyso shirkadda Pratt iyo Whitney.

Baaritaan horudhac ah oo ay sameysay hey’adda qaabilsan bad-qabka gaadiidka Mareykanka ayaa sheegtay in laba kamid ah marwaaxada matoorka diyaaradda ay wax gaareen.

“Annagoo ka duuleyna xogta horudhaca ah, waxaan ogaanay in baaritaanada lasii xoojiyo, gaar ahaan marwaaxadaha matoorka oo ah nooc u gaar ah matoorka diyaaradahan.” Ayay yirahden mas’uuliyiinta hey’adda duulimaadyada ee dalka Mareykanka.

Waxay la kulmayaan wakiila ka kala socda shirkadda sameysay matoorka diyaaradda iyo Boeing.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen 231 qof iyo 10 shaqaale ah ayaa dib ugu laabatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Denver, mana jirin cid wax ku noqotay.

Muuqaal laga duubay diyaaradda ayaa muujinaya matoorka midig ee diyaaradda oo ololaya.

Dowladda Japan oo ka jawaabeysa falkaas ayaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha Boeing 777 ee isticmaala matoorka diyaaradaha ee ay sameyso shirkadda Pratt iyo Whitney sheegtay in aysan soo geli karin hawada dalkaas ilaa iyo amar dambe.

Haseyeeshee shirkadda Boeing ayaa sheegtay inay taageersan tahay go’aanka dowladda Japan, loona baahan yahay in la hakiyo hawlgellinta dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 777 ee ay ku rakiban yihiin matoorada Pratt iyo Whitney inta ay socdaan baaritaanada. Shirkadda waxaa kale oo ay sheegtay in diyaaradaha Boeing 777 ee ku duula matooradaas ay guud ahaan caalamka gaarayaan 69.

Matoorka diyaaradda oo ololaya ayaa kusoo dul dhacay guryo ku yaalla magaaladaasi, waxaana saarnaa rakaab dhan 231 iyo 10 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda. Boolista ku sugan magaalada Broomfield ayaa baahiyey sawir muujinaya qaybta hore ee matoorka diyaaradda oo guryo ku soo dul dhacay.

Diyaaradda ayaa markii dambe si nabad ah ku soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha ee Denver, wax qasaara ah oo shilkaasi ka dhashayna lama soo sheegin.

Rakaabka diyaaraddaasi saarnaana waxay sheegeen qarax aad u weyn iney maqleen waxyar un kaddib marki ay diyaaraddu garoonka ka duushay.

Mid ka mid ah dadki rakaabka ahaa ee diyaaraddaasi saarnaa oo wakaaladda wararka ee AP u warramay waxaa uu sheegay inuu duuliyaha diyaaradda uu rakaabka u sheegay inuu qarax aad u weyn uu jiro.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post