1497 Views

Puntland oo beenisay in Villa Soomaaliya soo qabanqaabisay Shirka berri ee Afisyooni

Puntland oo beenisay in Villa Soomaaliya soo qabanqaabisay Shirka berri ee Afisyooni
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 02, 2021–Dowlad goboleedka Puntland ayaa beenisay in Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo qabanqaabiyay Shirka lagu waddo in magaalada Muqdisho gaar ahaan xerada Afisyooni uu ka furmo.

Wasiirka Warfaafinta xukuumada xil gaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa xalay sheegay in farmaajo uu shir isugu yeeray Madaxda maamulada kaasoo sabtida ka  furmaya xerada Afisyooni.

“Dowladda Puntland waxay soo dhoweysay dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana lays la gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Puntland.

Waxaa uu intaasi kusii daray warka Puntland “Shirkan oo ay qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan  ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga”

Beesha caalamka oo waday cadaadis xoogan ayaa ugu damabyn waxa ay shir iskugu keeni doontaa maalinta Sabtida Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka banaadir.

Shirka oo albaabada u xiranyihiin, Waxaa qayb ka ah beesha caalamka waxaana laga wada hadli doonaa ajandaha shirka inta uusan si rasmi ah u furmin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post