1266 Views

Dowladad Britain Oo Qorsheynaysa Inay Soo Masaafuriyaan Muwaadin Soomaali Ah

Dowladad Britain Oo Qorsheynaysa Inay Soo Masaafuriyaan Muwaadin Soomaali Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 08, 2019 –Xafiiska Arrimaha Gudaha ee dalka Britain ayaa qorsheynaya inay mar kale  so o masaafuriyaan Yacquub Axmed oo 29 jir ah, kaasi oo bishii October ee sannadkii hore ka badbaaday qorshe loogu soo dhoofin lahaa dalka Somalia.

Muuqaalo xilligaasi lagu baahiyey Baraha Bulshadda ayaa waxaa ka muuqday dad Dhoofayaal ah oo ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Heathrow ee magaalladda London is-hortaageen qorshe lagu soo masaafurin lahaa Yacquub Axmed, waxayna ku guuleysteen in laga laabto masaafurintiisa.

Yacquub Ahmed waxa uu ku eedeysnaa inay isaga iyo saddex Dhallinyaro Soomaali oo la xukumay si wadajir ah u kufsadeen gabar u dhalatay dalka Britain sannadkii 2007-dii.

Dhinaca kale, ilo ku dhow Xafiiska Arrimaha Gudaha ee dalka Britain ayaa sheegay inay Dowladda qorsheynayso in Yacquub Axmed la masaafuriyo, balse, waxay u muuqataa inuu Rafcaan cusub qaatay, sida lagu daabacay Cadadkii shlay ee Wargeyska Toddobaadlaha ee The Mail of Sunday ee ka soo baxa London.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment