1506 Views

Dowladda oo eedeysay Ciidamada kasoo baxay furimaha dagaalka

Dowladda oo eedeysay Ciidamada kasoo baxay furimaha dagaalka
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kahadlayay shir looga hadlayay waxqabadka wasaaradda maaliyadda ayaa waxa uu ka hadlay arimaha ciidamada isaga soo baxay furimaha dagaalka.

Waxa uu sheegay in dowladda ay waday tirakoob lagu sameynayo ciidamada ayna jiraan dad laba mushaar qaata kuwaasi oo uu sheegay in ay kashaqeyaan hoteelada iyo Hay’addaha kale ee dowladda.

Waxa uu intaa ku daray in ciidamada ay ku jiraan kuwo qaran dumis ah iyo kuwo qaata lacago sharci daro ah

Waxa uu sheegay wasiir maareeye in baaritaano lagu wado saraakiil ciidan iyo warbaahinta qaar kuwaas oo uu sheegay in ay buun buuniyaan arimaha ciidamada gadoodka sameeyay waxa uuna intaa ku daray in aanan shaqada dowladda loo joojineen meel ay ciidamada kasoo baxeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment