990 Views

Shirkadda Turkish Airline oo Joojisay Duulimaadyada

Shirkadda Turkish Airline oo Joojisay Duulimaadyada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 5, 2020 –Shirkadda duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Turkish AirLine ayaa si rasmi ah u shaacisay inay joojisay duulimaadyadii ay ka samayn jirtay gobolada iyo magaalooyinka waddanka Turkiga dhexdiisa ilaa iyo inta laga gaarayo 20-ka April.

 

Shirkadda ayaa arrintan ku sheegtay inay qayb ka tahay tallaabooyinka looga hor tagayo faafitaanka fayraska Corona, waxayna si toos ah ugu dhawaaqday in la joojiyay duullimaadyadeedii gudaha dalkaas.

 

 

 

Agaasimaha guud ee Shirkadda Turkish AirLine Bilaal Akshi ayaa arrintan la wadaagay warbaahinta dalka turkiga, gaar ahaan wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadoul, wuxuu sidoo kale qoraal kusoo daabacay bartiisa Twitterka isagoo si rasmi ah u xaqiijiyay in duulimaadyadii gudaha dalka ay joojiyeen.

 

Agaasime Akshi ayaa tilmaamay in ay qaadayaan tallaabo kasta oo ay u arkaan inay u wanaagsan tahay dagaalka lagula jiro cudurka dhibaatada badan ku haya caalamka ee CoronaVirus.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment