1311 Views

Mareykanka Oo Sheegay In Uu Duqeyn Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

Mareykanka Oo Sheegay In Uu Duqeyn Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 08, 2019 —Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen inay  duqeyn Diyaaradeed ku dileen 6 ka tirsan Xarakadda Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Weerarkaasi oo ah kii 2-aad ee ay Maraykanka ka fuliyaan gudaha Somalia Sanadkan Cusub ee 2019  ayaa waxay sheegeen inuu ku dhacay Deegaanka Dheerow Sanle oo ka tirsan Gobalka Sh/hoose, kuna bur buriyeen gaari Tekniko ah, waa sida ay AFRICOM sheegatay.

Agaasimaha Hawlgalladda ee  Taliska AFRICOM, Jeneral Gareeg Olson ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay si buuxda u taageeraan DFS iyo Ciiddankeeda iyo Saaxiibadda kale ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maraykanka iyo DFS iska kaashadaan  Hawlgallada duqeymaha ee ay Maraykanka ka fuliyaan gudaha Somalia.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment