1137 Views

Qaaraxyo is xigxigay oo ka dhacay xarunta ganacsiga ee Equatorial Guinea,ee Bata

Qaaraxyo is xigxigay oo ka dhacay xarunta ganacsiga ee Equatorial Guinea,ee Bata
____________________________________________________________________________

7-da Marso 2021

Dad tiradooda lagu qiyaasay 300 oo qof ayaa ku dhaawacantay tiro kale oo aan la garanaynna way ku dhinteen qaraxyo is xigxigay oo ka dhacay xarunta ganacsiga ee Equatorial Guinea,ee Bata, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalkaas.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq aad u weyn oo magaalada sidii daruurta oo kale uga dul muuqanaya.

TV-ga dowladda ayaa baahiyay dad raadinaya dad ka badbaaday burburka, iyagoo ka baarayay dhismooyinka burburay.

Sababta ka dambeeysa qaraxyadaan iyo cida gaysatay ilaa iyo hadda ma cadda.,hase yeshee waxaa ay ka dhaceen meel u dhow xaruun boolis.

Qoraallo isdaba-joog ah oo tuweetar-ka ay soo dhigtay wasaaradda caafimaadka ayay ku codsatay shaqaale caafimaad oo mutadawiciin ah inay tagaan Isbitaalka gobolka Bata. Waxay kaloo codsatay in dhiig lagu deeqo.

Waxaa jira ilaa sedax xaruumo caafimaad oo kale oo dadka dhaawacyadoodu aadka u daranyihiin la geeyay.

Safiirka dalka Faransiiska Brochenin Olivier ayaa qoraal uu bartiisa Tuweeter-ka soo dhigay uga tacsiyay dadka iyo dowladda dalka Equatorial Guinea.

Safaaradda dalka Spain ee dalkaasi ayaa iyana muwaadiniinteeda ku sugan dalkaas ugu baaqday in ay guryaha ku nagaadaan isla markaana ay la xiriiraan telefoonno loogu talay xaaladdaha degdeg ah.

Dalka Equatorial Guinea waxaa gumaystay dalka Spain oo uu xorriyada ka qaatay sanadku markuu ahaa 1968.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post