921 Views

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo sheegay in laga been abuuray

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo sheegay in laga been abuuray
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 17, 2019 | QOL |   –Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa beeniyay warar been abuur ah oo lagu daabacay baraha bulshada, kaasi oo ku saabsana Taliyaha Asluubta laga celiyay xarunta Madaxtooyada Qaranka.

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in madaxtooyda Qaranka aan loodiidin, isla markaana aysan sax ahayn in uu xoog ku galay,  madaxtooyaduna  qof iyo shan qofba aan xoog ku geli Karin.

 

 

 

“Waxaan daba joogaa hadal been abuur ah oo ah in taliyaha ciidanka Asluubta laga celiyay Madaxtooyada Qaranka, waa dacaayad waa dulmi, waa aflagaaddo, waa xumaan dalka ka jirin dad abuuraya waaye, waa dad xumaan abuuraya, danta ay leeyihiin iyagaa og, dadkaas waxaan u fasirayaa inay yihiin dad dowlad diid ah, aniga madaxtooyada xoog kuma gelin, cid ii diidayna ma jirin”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Asluubta.

 

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xusay inay jiraan dad beenta ku qaraabta oo doonaya inay xumaan ka dhex sameeyaan Madaxda iyo shacabka, waxaana uu intaa ku daray inaan loo dulqaadan doonin wararka been abuurta ah ee laga faafinayo madaxda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment