2211 Views

Hey’adda UNDP oo deeq ku wareejisay qaar kamid ah wasaaradaha heer Federaal iyo heer Maamul-Goboleed

Hey’adda UNDP oo deeq ku wareejisay qaar kamid ah wasaaradaha heer Federaal iyo heer Maamul-Goboleed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 25, 2018 – Hey’ada QM u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada ee UNDP ayaa maanta deeq kala duwan ku wareejisay Qaar kamid ah Wasaaraha Xukuumada Federalka iyo Dowlad-Goboleedyada,Mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Saraakiisha Hey’adaasi ayaa si wadajir ah Xarunta UNDP-da ee Muqdisho ugu qabtay Shirjaraa’id kaas oo lagu faah faahiyay nooca deeqda maanta la wareejiyay.

Wasaarada Tarmarta iyo Kheyraad Biyaha Xukuumada Federalka ayaa lagu wareejiyay 5-gaari oo 4-kamid ah ay leeyihiin Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Dowlad-Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Jubaland,sida uu sharaxay Cismaan Libaax oo ah siihayaha Xilka Wasiirka Wasaaradaasi.

Cilmi Cumer Ceynsane Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ahna sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradaasi ayaa dhankiisa ka hadlay deeqda maanta ay ka heleen hey’adda UNDP taa oo aheed Jikooyin gaas ku shaqeenaya oo loogu talagay dadka barakacayaasha si ay uga maarmaan isticmaal Dhuxushada.

Madaxa Hey’ada UNDP ayaa suxufiyiinta la hadlay kadib wareejintii deeqdaa ay ugu talagaleyn Wasaaradaha Heer Federal iyo Heer Dowlad Goboleed.

“  “Dhuxusha waxay caqabad ku tahay Ammaanka, iyo Horumarka Somalia , waxayna dhuxusha dhibaato u keentaa Deegaanka iyo dhaqaalaha,Qiiqa ka dhasha Dhuxusha iyo Dabka waxaa loo aqoonsan yahay Dilaaga Aamusan, waxayna dhibaato u keentaa Haweenka Soomaaliyeed,Hay’adda WHO waxay  ku qiyaastay in sannad kasta in ka badan 11.000 oo Soomaali u geeriyoodaan   cudduradda ka dhasha arrintaasi, waxayna tiradaasi labo jeer ka badan tahay dadka Caalamka ugu geeriyooda colaadaha iyo Amni-xumida”

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment