1179 Views

Xarun Dhaqancelin ah oo laga furay magaalada dhuusamareeb ee xarunta Galmudug

Xarun Dhaqancelin ah oo laga furay magaalada dhuusamareeb ee xarunta Galmudug
____________________________________________________________________________

Talaado: December 28, 2021

Waxaa galabta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug laga daah furay xarunta dhaqancelinta Galmudug”DRP” oo loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo dhallinyarada kasoo baxda kooxda Al-Shabaab si loogu sameeyo nolol ka duwan tii hore ee ay ku jireen si loo fahamsiiyo dowladnimada.

Munaasabadda xarig jarka xarunta dhaqancelinta Isisoo dhiibayaasha Galmudug ayaa waxaa kasoo qayb galay madax ka socotay 2da gole ee dowlada Galmudug, Agaasimaha barnaamijka Qaran ee dhaqancelinta Salad Jilicow,vmadaxa soodhawaynta isa soodhiibayaasha Col Osoble, Agaasime kuxigeenka xarunta dhaqan celinta xarunta Serindi Muqdisho Cabdalle Jaraid, madaxa sare ee hay’ada Accept international Yusuke Nagai, Agaasimaha barnaamijka dhaqan celinta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cali, Madaxda maamulka degmada Dhuusamareeb, Agaasimayaal, dhalinyaro iyo haween.

Wasiirka Caddaalada Galmudug mudane Cabdi Maxamed Fiidow ayaana xariga kajaray xarunta dhaqan celinta Galmudug kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xaruntaan oo bulshadu siwayn udanaynayeen furitaankeeda.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa caasimadda Galmudug mudane Cabdi Xaashi Caroole oo munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay furitaanka xarunta dhaqan celinta Galmudug ee loogu talo galay isi soodhiibayasha, waxaana uu sheegay in Ka bulsho ahaan ay wax ku darsanayaan xaruntaan.

Agasimaha barnaamijka dhaqan celinta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cali oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in si wanagsan loogu adeegi doono dhallinyarada isi soodhiibayasha ah ee soo gala gacanta dowladda si loogu abuuro nolol kaduwan midii hore bulshadana ay dib ula midoobaan.

Agaasimaha barnaamijka dhaqan celinta Qaran Salad Jilicow oo isna munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay xarunta maanta xariga laga jaray faaiidada ay uleedahay bulshada Galmudug, waxaana uu sheegay dhankooda ay garab siin doonaan xaruntaan, bulshadana looga baahan yahay in isisoodhiibayaasha xarunta soo marsiiyaan.

Madaxa sare ee hay’ada Accept international Yusuke Nagai oo isna qayb ka ahaa furitaanka xaruntaan ayaa tilmaamay in faaiido uleedahay dhallinyarada isi soo dhiibayaasha ah ka yimada kooxaha diidan dowladnimada ay utahay bartii ay bulshada dib ugu soo laaban laahayeen Kadib markii lamarsiiyo nidaamka dhaqan celinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post