471 Views

Diyaarado dagaal oo weerar ka geystey deegaanka Tooratoorow ee Sh. Hoose

Diyaarado dagaal oo weerar ka geystey deegaanka Tooratoorow ee Sh. Hoose
____________________________________________________________________________

Talaado: July 25, 2022

Diyaarado dagaal ayaa waxaa la sheegay inay xalay Saqdii dhexe duqeymo culus dhanka cirka ah ka fuliyeen degaanka Toora-tooroow oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo siweyn ugu xoogan yihiin malayshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Duqeyntaan oo aheyd mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo gacanta ku haya deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo hubeysan ay gudaha ugu daateen Tooratoorow, kadibna ay ka fuliyeen howlgal culus, sida ay shaaciyeen ilo deegaanka ah.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo howlgalka xigay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo dhinaca Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa u soo beegmaya iyada oo dhawaan loo magacaabey taliye sare AFRICOM, kaas oo wacad ku marey in uu xoog saari doono la dagaalanka al-Shabaab.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post