1986 Views

Madaxweyne Farmaajo oo weerar afka ah ku qaaday mamul goboleedyada

Madaxweyne Farmaajo oo weerar afka ah ku qaaday mamul goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sebtembar 27, 2018  – Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay dhaliishii dhinaca amniga aheyd ee xildhibaano ka tirsan golaha shacabka todobaadkii hore ay u soo jeediyeen xukuumadda.

Xildhibaanada oo ka qeyb galayay dood ku saabsaneyd ammaanka dalka ayaa waxa ay aad u dhaliileen laamaha ammaanka iyo xukuumadda oo ay sheegeen inay ku fashilantay ammaanka dalka, islamarkaana u soo jeediyay in xukuumadda ay booska baneyso.

“Dalka 10 sano wuxuu ku jiray ammaan daro, waxaan la dirireynaa nabad diidka, yaa ka adkaanaya, adinkaa ka adkaanaya, waa masuuliyad wadareed, qof walba ammaanka masuul ayuu ka yahay, hadii qofka uu yahay shacab waxaa laga rabaa amni darada inuu u soo sheego ciidanka amniga, si ay maxkamad u geeyaan, waala wada leeyahay sugidda amniga, siyaasiyiinta xanaaqsan waxay rabaan inuu shaqada hal qof qabto”. Ayuu yiri madaxweynaha.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay baaqii golaha iskadhiga dowlad goboleedyada dalka oo dalbanayay in garab Saddexaad uu soo kala dhexgalo wada hadalka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, wuxuuna sheegay madaxweynaha in arrintaas ay ku baaqayaan siyaasiyiin careysan, inkastoo mdaxweynaha si toos ah arrintan uusan uga hadlin, hadana waxay u muuqatay inuu jawaab maldahan u dirayo madaxda dowlad goboledyada.

“Waxay ka hadlaan wax xun, waxay ka hadlaan wax dadka qalbi jabinaya, waxay sheegaan in nagala adkaaday, hadalkaasi waa mid calaacal ah, siyaasiga xanaaqsan dadka wuxuu gaarsiiyay in dadka ay is dhiibaan, siyaasiga xanaaqsan shacabka hanaga qalbi jebin”. Ayuu mar kale yiri madaxweyne Farmaajo.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ka sheegay munaasabad ay soo qaban qaabisay wasaaradda waxbrashada dalka, taasi oo ku saabsaneyd dib u habeynta waxbarashada dalka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment