849 Views

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland oo guddoomiye doortay

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland oo guddoomiye doortay
____________________________________________________________________________

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ay kulankoodii ugu horreeyay ku yeesheen Magaalada Hargeysa, kaas oo ujeedkiisa  ahaa doorashada Guddoonka Golaha wakiilada.

Doorashada Guddoonka Golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku tartamaya min Saddex Xubnood oo ka socda Xisbiyada Mucaaradka oo isbaheystay iyo Xisbiga Talada haaya ee Kulmiye, kuwaas oo ku kala tartami doona Guddoomiye, kuxigeenka 1aaad iyo labaad.

Kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku tartamay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif oo ka socda Xisbiyada mucaaradka.

Halka guddoomiye kuxigeennada 1aad iyo labaad ay ku tartamayaan min laba xubnood oo ka kala socda Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbiga kulmiye, waxaana doorashada Guddoonka Golaha wakiilada Somaliland ay tahay mid xiiso badan.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa cod gacan taag ah uga kala codeeynayay musharixiinta guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee kala ah  Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon iyo Cabdirisaaq Khaliif.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland oo kulanka shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, waxaana uu sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu helay 42 Cod, isla markaana uu noqday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland halka Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon  uu helay 39 Cod.

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu ka socda dhinaca Xisbiyada mucaaradka Somalland, waxaana uu tartan adag kala kulmaya xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post