1146 Views

Ciidamada Galmudug oo dib ugu laabtay tuullada Shabeelow

Ciidamada Galmudug oo dib ugu laabtay tuullada Shabeelow
____________________________________________________________________________


Arbaco: August 18, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Milatariga Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada maamulka Galmudug  saakay ay  dib ugu laabteen Deegaan Shalay ay alshabaab qabsadeen.

Dagaalkan oo ahaa mid aad u kulul ayaa saakay ka dhacay tuullada Shabeelow  ee Gobolka Mudug, waxaana la sheegay in ay ku dhinteen dad badan shalay iyo maanta dagaalada oo aad u kululaa.

Wararka ayaa sheegaya in saakay Maydad hor leh laga helay aagii shalay lagu dagaalmamy, taasi oo sii kor dhinaysa  Qasaaraha shalay halkaas ka dhashay.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay sheegeen inay dileen illaa sodon askari, balse warkaasi waxa gaashaanka ku dhuftay oo diiday jiritaankiisa milatariga Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post