2298 Views

Maxaabiis Laga Keenay Dalka Libya Oo Muqdisho La Soo Gaarsiiyay

Maxaabiis Laga Keenay Dalka Libya Oo Muqdisho La Soo Gaarsiiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 07, 2018 –Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga soo dajiyay Maxaabiis laga keenay dalka Libya, kuwaasi oo tiradooda ay gaareyso illaa 13 dhalinyaro.

Dhalinyaradaan ayaa waxaa u fududeysay inay dalkooda ku soo laabtaan dowladda Federalka Somaliya, kadib markii Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya Ambassador Cali Siciid Fiqi dowladda ay u xil saartay arrintaan.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay maxaabiistaan ku soo dhaweeyeen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Waa qaybtii labaad dhalinyaro dowladda Somaliya ay dib uga soo celisay dalka Libya, kuwaasi oo u dulqaadan waayay dhibaatooyinka kala duwan ee ay kala kulmaan xabsiyada dalka Libya.

Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada ku jira xabsiyada dalka Libya ayaa iska diiday inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, waxayna sheegeen inay ka miro dhalinayaan hadafka tahriibkooda.

Dowladda Somaliya ayaa ku dadaalaysa sidii dalka dib loogu soo celin lahaa maxaabiista kala duwan ee ku dhibaateysan dalalka caalamka.

01 02 03

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

————————————————————————–

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment