939 Views

Xildhibaano lagu bilaabey baaritaanada Cudurka Coronavirus

Xildhibaano lagu bilaabey baaritaanada Cudurka Coronavirus
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado     , March 31, 2020 —Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta lagu bilaabo in baaritaan la xiriira Cudurka Coronavirus,xilli Xildhibaannada ay isku diyaarinayeen inay dhageystaan khudbadaha musharixiinta xilka Guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed.

 

Xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa Maanta hoolka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee Magaalada baydhabo waxaa ay ka bilaabeen baaritaan la xiriira Corona virus,iyaga oo baaraya Xildhibaannada galaya Hoolka ee dhageysanaya khudbadaha musharixiinta xilka Guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed.

 

 

 

Muuqaalo iyo Sawiro lagu baahiyey Baraha Bulshada ayaa muujinayey Xildhibaannada Koonfur Galbeed oo baaritaan Caafimaad lagu sameynayo,iyad aoo xubnaha ka socda wasaaradda Caafimadka ay Xildhibaannada u sheegayeen ahdalo ay ku raali gelinayaan uga dalbanayaan inay baaritaanka ogolaadaan.

 

 

 

Dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada ayaa waxaa ay siwadajir ah u qaadeen tallaabooyin dhowr ah oo looga hortagayo Cudurka COVID 19 oo dad ay ugu dhinteen kuwo kalena la jiifaan qaar kamid ah wadamada Caalamka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment