879 Views

Dagaal beeleed ka socda duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe

Dagaal beeleed ka socda duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe
____________________________________________________________________________

Wararka aan maanta ka heleyno duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal beeleed geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday dagaalkaas ugu yaraan laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, welina waxaa is hor fadhiya dhinacyadii dagaalamay.

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Xawaale oo qiyaastii 25-KM dhanka waqooyi uga beegan degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kalw Dagaalka labadaas maleeshiyo beeleed ayaa salka ku haya arrimo la xiriira dhul daaqsimeed, waxayna dirirta labadaas beelood deegaanka ka taagneyd mudo dheer.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post