1611 Views

Ergayga Wadahadallada Soomaaliya Iyo Soomaliland Oo Kulamo Ka Wada Hargeysa

Ergayga Wadahadallada Soomaaliya Iyo Soomaliland Oo Kulamo Ka Wada Hargeysa
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 09, 2019 –Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland waxaa maalmahaan ku sugan Ergayga wadahadallada u qaabilsan Turkiga Soomaaliya iyo Soomaaliland Mudane Danjire Dr. Olgan Beker kaas oo Khamiistii Socdaal ku tegay Magalada Hargeysa.

Ergayga ayaa kulankiisii ugu horeeyay la yeeshay Madaxda Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANE,isaga oo kala hadlayay qaabka ugu fudud ee loo bilaabo karo wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo weli hakad ku jira.

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Warbaahinta u sheegay in Ergayga ay u sheegeen in ka xisbi ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dib u bilaabista wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland,isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wadahadallada ay horseedi karaan in Soomaaliland ay hesho madax-banaani,sidoo kalena dunida inteeda kale ay wax la qeybsato.

Ergayga  Dowladda Turkiga u soo Magacaawday  Soomaaliya iyo Soomaaliland Mudane Danjire Dr. Olgan Beker oo mar soo noday Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya ayaa la filayaa in Maalinta Khamiista ah ee soo socota in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa hakad ku jira labadii Sano ee la soo dhaafay oo uu Soomaaliya Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment