957 Views

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo Mar kale Hambalyo u diray Xubnaha la doortay ee Gobolada Waqooyi.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo Mar kale Hambalyo u diray Xubnaha la doortay ee Gobolada Waqooyi.
____________________________________________________________________________


Khamiis : September 30, 2021

Xili saacado ka hor la soo gaban gabeeyay doorashadii Aqalka saree e Gobolada waqooyi intoodii dhineed ayaa waxaa arintaas ka hadlay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Xafiiska  Roobe a war kasoo  baxay ayaa loogu hambalyeeyay  doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Aqalka Sare, taas oo maanta lagu soo gaba-gabeeyey gudaha magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa farriin u diray Senataradii ugu dambeeyey ee maanta lagu doortay Teendhada Afisyoone oo ku dhex-taallo Xerada Xalane.

“Waxaan hambalyo u dirayaa mudaneyaasha maanta la doortay ee Aqalka Sare ee BFS ku matalaya Somaliland,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sdoo kale Rooble ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan-yahay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Somailand ee Aqalka Sare oo uu muddo ka taagaan khilaaf xoogan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post