423 Views

Wararkii ugu dambeeyay ee Somaliland oo ay isku dhaceen booliska iyo dibadbaxayaal

Wararkii ugu dambeeyay ee Somaliland oo ay isku dhaceen booliska iyo dibadbaxayaal
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 11, 2022

Dibadbaxyo ay rabshado ka dhasheen ayaa ka socda magaalada Hargeysa iyo deegaanno kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Dibadbaxa waxaa horay u shaaciyay xisbiyada mucaaradka oo ka gadoodsan hannaanka maareynta doorashada madaxweynaha iyo diiwaangelinta ururada siyaasadda.

Dowladda ayaa u oggolaatay xisbiyada mucaaradka inay ku dibadbaxaan meelo kooban oo la cayimay, taas oo ay xisbiyada mucaaradku ka hor yimaadeen.

Meelo ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa laga soo sheegay in boolisku ay isku dayeen inay xakameeyaan dibadbaxyada.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in qadka internet-ka laga jaray Somaliland, oo aysan dadku adeegsan karin baraha bulshada iyo adeegyada kale ee ku xiran internet-ka.

Dowladda weli war rasmi ah kama soo saarin xaaladda ugu dambeysa, balse waxay horay uga digtay in ay dadku ku dibadbaxaan meelo ka baxsan baraha cayiman ee la shaaciyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post