1452 Views

Odayaasha magaalada Gurceel oo ka soo hor jeestay joogitaanka Maleeshiyaadka Ahlu-Sunna ee Magaaladaas daawo Muqaalka

Odayaasha magaalada Gurceel oo ka soo hor jeestay joogitaanka Maleeshiyaadka Ahlu-Sunna ee Magaaladaas daawo Muqaalka
____________________________________________________________________________

Arbaco: October 13, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in wax garadka Odayaasha dhaqanka magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ay ka soo hor jeesteen joogitaanka ururka Ahlu-Sunna ee magaaladaas.

Wax garadka ayaa sheegay in shaakir uu ka diiday in uu la kulmo saakay si ay uga wada hadlaan xaalada galmudug iyo xaalada magaalada Guriceel oo labadii Usbuuc ee la soo dhaafay ahayd Xarun Milatari.

Odayaashaan oo warbaahinta la hadlay ayaa cod dheer ku sheegay in aysan aqbaleyn xaaladda ay ku sugan tahay magaalada Gurceel oo sida ay sheegeen hadda noqotay ‘dhufeys ciidan’ sidoo kale dadkii shacabka ahaa ayey odayaashu sheegeen inay isaga carareen magaalada.

Sidoo kale Odayaashii magaaladaan anagaa ah, mana aqbaleyno xaaladda hadda ay Gurceel ku sugan tahay, naga bixiya ciidamadaan, qax kuma sii jiri karno, dagaalna uma rabnee Ahlu-Sunna ha isaga baxdo Gurceel. Ayay dhaheen wax garadka Guriceel

Odayaasha qabtay shirkaan jaraa’id ayaa ka soo jeeda beesha Ayaanle Cayr, oo ka mid ah jufooyinka ugu saameynta Cayr-ka daga Gurceel, waxayna sheegeen in Sheekh Shaakir aysan ka yeeli doonin in magaaladooda uu dagaal ku dhex-galo oo furin colaadeed uu ka dhigo..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post