2292 Views

Maamulka G.Banaadir oo gurmad u fidinaya dadkii ay saameeyeen Roobab xalay ilaa Saakay da`ay Muqdisho

Maamulka G.Banaadir oo gurmad u fidinaya dadkii ay saameeyeen Roobab xalay ilaa Saakay da`ay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 21, 2018 –  Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng.Yariisow ayaa yiri”Maamulka gobolka Banaadir wuxuu wadaa gurmad ku aadan saameynta roobabkii xalay ilaa iyo Saakay da`ayay, muwaadiniinta waxaan ka codsaneynaa in ay gurmadka socda ka qeyb qaataan si dad waxyeelada gaartay caawinaad loogu helo”

GUDOOOMIYE YARIISOOW

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay Qof kalena waa uu ku dhaawacmay xalay Roob uu ka da’ay Magaaladda Casimadda ah ee Muqdisho uu sababay in uu Dumo guri ay dadkaasi daganayeen.

Robka oo ugu yaraan Todobo saacadood da`ayay ayaa sidoo kale waxaa uu saameeyay isu socodka Dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho.

Saacadihii hore ee saakaayaa waxaa magaaladda lagu arkatyay Dad lugeeynaya si ay u kor meeraan waxa ay xalay ku baryeen goobahooda ganacsiga.

Sidoo kale Roobku wuxuu saameeyay dadka barakacay ee dagan Xaafadaha Muqdisho, waxana burburay ama ay biyo galeen guryo jilicsan oo ay dadka barakacay lahaayeen.

Meesha uu roobku dhimashadda ka geeystay waa degmadda Xamar weeyne ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale Degmadda Boondheere  ee gobolka Banaadir ayaa lasheegay in daadad ay ku qaadeen Labo caruur ah oo aan wali lahelin, raq iyo ruuxba

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment