345 Views

Ciidanka xoogga dalka & kuwa degaanka oo howlgal Wadajir ah fuliyay

Ciidanka xoogga dalka & kuwa degaanka oo howlgal Wadajir ah fuliyay
____________________________________________________________________________

Ciidanka xooga Dalka Gaar ahaan Ururka 41 Guutada 5aad Q27aad & Ciidanka Difaaca Degaanka ayaa howlgal waxa ay ka sameeyeen Inta u dhaxaysa dagmada Buuloburte ilaa Degaanka halgan oo dhaca dhanka Jiinka Wabiga Shabeelle.

Hawlgalka ayaa waxa Hogaaminayey Taliyaha Ururka 41aad Guutada 5-aad Qaybta 27aad Xuseen Xasan Hoorow halka qeybna uu ka ahaa Kornayl Cabdinaasir Cali Cabdi waxana ay Ciidamadan cagta soo mariyeen deegano dhowr ah oo ay ka mid yihiin beerayabal iyo jicibow oo ay Al-Shabaab ku sugnaan jireen.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in Ciidanka ay burburiyeen  Fariisimo ay Al-Shabaab ka sameyteen degaanka jicibow,nisla markaana Wabiga ka tallaabay markii ay ka warheleen iney ku soo wajahanyihin Ciidanka xoogga dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post