849 Views

Madaxweyne farmaajo oo booqasho ku tegay dalka Ereteriya

Madaxweyne farmaajo oo booqasho ku tegay dalka Ereteriya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 04, |  2020—Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka Koonfurta Suudaan ayaa booqasho deg deg ah ku tegay dalka Ereteriya.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi Ereteriya Isaias Afwerki, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo oo booqashadiisa ay qaadan doonto muddo laba Cisho ah ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, tallaabooyin ku saabsan horurmarka dhinaca Bulshada & isbeddelada dhinac walba ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & wafdiga la socda ayaa waxaa la filayaa inay booqdaan Goobo ay dowladda Ereteriya ka fulineyso mashaariic kala duwan iyo meelo kale.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shalay tegay Caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba, isaga oo halkaasi kaga qeyb-galay munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta.

Booqashada uu Madaxweyen farmaajo ku tagay dalka Ereteriya ayaa waxaa ay noqoneysaa markii Saddexaad, waxaana horaantii Bishii Janaayo booqasho uu ku tegay dalkaasi uu ka qeyb qaatay ka miro-dhalka tallaabooyinka isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post