1104 Views

Theresa May oo si rasmi ah ugu dhowaaqday xilliga ay is casileyso

Theresa May oo si rasmi ah ugu dhowaaqday xilliga ay is casileyso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 24, 2019–Ra’iisul wasaaraha dalka UK Theresa May ayaa jimcaha maanta shaacisay in ay si rasmi ah xilka isaga casilayso 7-da bisha June ee soo socota si loo doorto ra’iisul wasaare cusub.

 

Mrs May ayaa sheegtay in ay dadaalkii ugu badnaa ku bixisay ka bixitaanka boqortooyada Ingiriiska ee Midowga Yurub balse dadaalkaasi mira-dhali waayay.

 

“Hadda waa ay ii caddahay in waxa ugu wanaagsan dalka ay tahay in ra’iisul wasaare cusub uu hoggaamiyo dadaalladan,Sidaas darteed, waxaan maanta ku dhowaaqayaa in aan iska casili doono hoggaaminta xisbiga Conservative-ka laga billaabo 7-da June” ayay tiri May oo murugo ka muuqatay.

 

May ayaa sheegtay in ay ka qoomayneyso in iyadoo dadaalka intaasi le’eg ku bixisay ay haddana fulin wayday heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub ee dalka Uk.

 

Mrs May ayaa go’aankan qaadatay kadib markii ay cadaadis xooggan kala kulantay xubnaha xisbigeeda muxaafidka ah oo ka horjeestay tallaabooyinkeedii u dambeeyay ee la xiriiray fulinta heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee boqortooyada Ingiriiska.

 

Theresa May Raysal Wasaarihii Ingiriiska ayaa xilkaasi qabatay sannadkii 2016 ka dib markii uu is casilay David Cameron, waaana haweenaydii labaad ee Ingiriiska Ra’iisal wasaare ka noqota

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment