1134 Views

Kulan u socdo RW Rooble iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare

Kulan u socdo RW Rooble iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Waxaa haatan uu kulan xasaasi ah u socdaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee muddo xileedkooda uu dhamaaday ee Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadlayaan arrimaha cakiran ee ka taagan Doorashada xubnaha Somaliland, waxaana la filayaa in Guddooniyaha Aqalka Sare uu faah faahiyo kulanka uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha.

Kulankan ayaa waxaa kasii horeeyay War saxaafadeed ay soo saareen xubnaha guddiga matalayay garabka Cabdi Xaashi ee la kulmay Guddiga ka socda garabka Mahdi Guuleed, iyaga oo ku eedeeyay  Ra’iisul Wasaare kuxigeenka in uu diidan yahay hab qeybsiga dhismaha Guddiga jiheynta doorashada ee kuraasta Gobolada Waqooyi.

Shirka u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa aad looga doodayaa muranka ka taagan doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi, kaas oo u dhaxeeya Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post