1977 Views

Xukun lagu riday maamule Iskuul oo Imtixaan u galay askari ka tirsan ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya

Xukun lagu riday maamule Iskuul oo Imtixaan u galay askari ka tirsan ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 15, 2018 – Maxkamad ku taala dalka Burundi ayaa xukun ku riddey nin macalin ah, sidoo kalena maamule ka ah iskuul kaas oo la qabtay isaga oo imtixaam u fariistay si uu u malato askari dalkaas u dhashay oo hawlo nabad illaalin u jooga Soomaaliya.

Benjamin Manirambona ayaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah, waxaana laga mamnuucay in uu xafiis dowladeed fariisto muddo 10 sano ah.

Ciidamada nabad suggida oo hayay xog hoose ayaa habeenimadii sii tagay mac-hadka farsamada ee Butera ee ku yaala magaalada Bujunbura ku yaala, halkaas oo subaxa xiga uu imtixaamka ka dhici lahaa.

Benjamin oo xiran dharkii ardayda ayaa fariistay imtixaamka, wuxuuna sheegay in uu matalayay askari AMISOM ka tirsan oo doonayay in uu helo buundooyin wanaagsan si uu jaamacad u galo. Askari ayaa ku maqan Soomaaliya sida warbaahintu sheegtay.

Askari ayaa lacag u balanqaaday macalinka haddii uu qish u sameeyo, imtixaamkana u fariisto.

Wasiirka waxbarashada Burundi Janvière Ndirahisha oo goobtii ninka laga qabtay la tagay ciidanka dhar cadka ah, ayaa diiday sharaxaadda macalinka, wuxuuna sheegay in aysan ahayn markii koowaad ee uu falkan sameeyo.

Waxaa lala xiray xisaabiyihii iskuulka Eric Nkurunziza iyo macalin Lazard Nihezagire oo min labo sano oo xabsi ah loo direy, shan sanana waxaa laga mamnuucay in ay xafiis dowladeed qabtaan. Waxaa lagu heley in ay qarinayeen falka macalinka.

Ardayda Burundi ee imtixaanaadka u fariista ayaa imtixaamka ku gala iskuulaad aanan ahayn kii ay dhiganayeen, sidaas darteed ayay macalimiinta u aqoonsan waayeen Benjamin oo arday iska soo dhigay.

askari-amisom-laxumay-3 askari-amisom-laxumay-2 askari-amisom-laxumay-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment