960 Views

Wafdi gaaray degmada Xudur & soo dhaweyn loo sameeyay

Wafdi gaaray degmada Xudur & soo dhaweyn loo sameeyay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 25|  2020
—Wafdiga oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha wakiiladda dowlad goboleedka koonfur galbeed Cali Saciid Fiqi ayaa maanta gaarey Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Xudur ku soo dhaweeyey Maamulka gobolka, kan degmada Xudur, isku duwaayaasha Wasaaradaha, Odayaasha dhaqanka, waxgaradka,Siyaasiinta, dhalinyaradda, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada xudur .

Soo dhaweyn kadib wafdiga oo isugu jiray wasaaradaha Arrimaha gudaha dowlaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed gargaarka, cadaaladda,xanaanadda xoolaha, tamarta, diinta, caafimaadka, waxbarashada, shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa loo galbiyey guriga martida oo warbaahinta ay kula hadleen, iyaga o faah faahin ka bixiyay u jeedka safarkooda.

Guddoomiyaha degmada Xudurka oo hadlay ayaa kusoo dhaweeyay degmadaas Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo madaxda la socda,waxaana uu sheegay in gudoomiyihii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee taga Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in u jeedka safrkooda uu yahay inay u kuurgalaan xaalada degmada Xudur iyo degaannada hoostaga, sidoo kalena ay kulamo la qaadan doonaan Maamulka iyo Bulshada degmada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post