1143 Views

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo si rasmi ah xarigga uga jaray dhisme cusub oo safaaradeed Kenya Muqdisho

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo  si rasmi ah xarigga uga jaray dhisme cusub oo safaaradeed Kenya  Muqdisho
____________________________________________________________________________


isniin: August 9, 2021

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Soomalaiya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhisme cusub oo safaaradeed oo ay dowladda Kenya ka furatay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda furitaanka ee dhismaha safaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, una badan wasaaradda arrimaha dibadda, safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya iyo xubnaha wafdiga ee Raychelle Omamo ku wehlinaya safarkeeda Muqdisho.

Furista safaaradda cusub ee ay haatan Kenya ka furatay Soomaaliya ayaa timid, kadib wada-hadallo ay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi la yeelatay ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli haatan uu weji cusub yeeshay xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu horay dhaawac culus usoo gaaray, kadib markii ay labada dowladood oo daris ah ay kala rarteen 2 safaaradood.

Kenya ayaa sidoo kale isku dayeyso inay si dhow ula shaqeyso Rooble oo shalay casuumad uu u fudiyey Uhuru Kenyatta ka guddoomay wasiir Raychelle Omamo, waxaana rajo weyn laga qabaa inuu mar dhow dib u billowdo xiriirkii tooska ahaa ee labada iyo ganacsiga.

Dhinaca kale isku soo dhawaashaha Ra’iisul wasaaraha iyo Kenya ayaa xiisad xoogan ka dhex-dhaliyey Rooble iyo Farmaajo, waxaana kadib soo baxay khilaaf dhexdooda ah.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya galeyso doorasho, waxaana sidoo kale halkiisii ah kiiska badda ee horyaalla ICJ.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post