573 Views

Mareykanka oo xayiraadda ka qaadaya 8 dal oo African ah

Mareykanka oo xayiraadda ka qaadaya 8 dal oo African ah
____________________________________________________________________________


Sabti: December 25, 2021

Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in madaxweyne Joe Biden uu dhamaadka bishaan ka qaadi doonno xayiraaddii dhanka socdaalka, ilaa 8 waddan oo ku yaalla dhinaca koofureed ee Africa.

Maamulka Biden ayaa bishi November xayiray dhammaan safarradi ka imaan lahaa dalalka South Africa, Botswana, Zimbabwe, Namibia, Lesotho, Eswatini, Mozambique iyo Malawi, sababo la xiriira cabsi laga qabay faafista nuqulka cusub ee Omicron ee xanuunka COVID-19. Xayiraaddaasi ma qabaneyn muwaadiniinta Mareykanka.

Sarkaalka u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay, in 31-ka Bishan December laga qaadi doono xayiraadda dhammaan muwaadiniinta u dhashay dalalkaas ee raba inay soo galaan Mareykanka.

Cudurka COVID-19 nuuciisa cusub ee Omicron ayaa la sheegay in marki ugu horreysay laga helay South Africa, arrintaas oo Koofur Africa gaarsiiyay dhibaato dhaqaale, kaddib marki ay dalal badan oo caalamka ah go’doomiyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post