948 Views

Boolis ka socda Uganda oo ku soo wajahan Muqdisho

Boolis ka socda Uganda oo ku soo wajahan Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 22, 2019 –Dalka Uganda waxaa tababar loogu soo gaba gabeeyay 160 sarkaal oo ka mid ah Booliska dalkaas kuwaas oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho.

Guddi loo xil saaray qiimeynta saraakiisha Booliska ah ee Soomaaliya loo soo dirayo ayaa booqday xerada ay tababarka ku qaadanayeen ee Kabalye.

Taliye ku xigeenka Booliska Uganda ee qeybta Nabadda Benjamin Namanya, ayaa sheegay in saraakiisha Booliska ah ee ka socda dalka Uganda keenayo Soomaaliya dhamaadka Bisha July ee soo socota.

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu dhimayo Milatariga islamarkaana lagu beddelayo Booliska waxaana uu qeyb ka yahay qaraarka qolaha amaanka ee Qaramada Midoobey ee faraya in Dowladda Soomaaliya ay amniga dalkeeda kala wareegto Ciidanka AMISOM marka la gaaro sanadka 2021.

Uganda waxaa ay ahayd dalkii ugu horreeyay ee sanadkii 2007dii Ciidamo u soo dira Soomaaliya kuwaas oo horudhac u ahaa howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment