963 Views

Shir ku saabsan horumarinta degmooyinka Soomaaliya oo ka socda Ruwanda

Shir ku saabsan horumarinta degmooyinka Soomaaliya oo ka socda Ruwanda
____________________________________________________________________________

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Ayaa Magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda kaga qeyb galay Shirka Madasha Gudoomiyaasha Degmooyinka Soomaaliya ( Somali Mayors Forum

Shirkaan ayaa diirada lagu saarayaa Horumarinta 15 Degmo oo ay Gudoomiyaashoodu ka qeyb galayaan Shirka Madasha Waxaana soo qaban qaabiyay urur ay ku Mideysan Yihiin Dowladaha Hoose ee Dalka Ruwanda oo kaashanaya Hay,adda UNHABITAT/JPLG.

Maayarka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa Shirka ka Jeediyay Khudbad uu kaga Warbixiyay Horumarka baaxadda leh ee ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Sida uu Maamulku ugu baahan yahay garab istaaga Hay,adaha iyo Dowladaha Hoose ee Dalalka Caalamka gaar ahaan iskaashi dhexmara Dowladda Hoose ee Gaalkacyo dhanka Galmudug iyo Dowladaha Hoose ee Dalka Ruwanda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post