885 Views

Beelo Walaalo ah oo ku dagaalamay G/Hiiraan oo maanta heshiis gaaray

Beelo Walaalo ah oo  ku dagaalamay G/Hiiraan oo maanta heshiis gaaray
____________________________________________________________________________

Talaado: December 28, 2021

Waxaa maanta heshiid xabad joojin ah kala saxiixday beelo walaalo ah oo wada dega deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka beelaha walaalaha ah ee heshiiskan saxiday ayaa sheegay in ay kashaqeynayaan nabada iyo wada noolaashaha bulshada deegaanada ay kunoolyihiin oo kala ah degmooyinka Deefoow iyo Kabxanley.

Maamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ayaa bogaadiyay heshiiska xabad joojita ah oo ay gaareen beelaha walaalaha ah ee halkaas ku dagaalamay.

Rooble Axmed Daahir xiriiriyaha dib uheshiisiinta Wasaaradda arrimaha Guddaha Dowladda Soomaaliya ayaa goobta ka aqriyay warsaxaafadeed ay siwada jir ah usoosaareen beelaha dagaalamay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post