522 Views

Cabdiweli Gaas oo eedeyn u jeediyay Xukuumadda M/weyne Deni

Cabdiweli Gaas oo eedeyn u jeediyay Xukuumadda M/weyne Deni
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 3, 2022

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, sidoo kalena soo noqday Madaxweyne hore  Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay arrimo quseeya xukuumadda Deni iyo halka sano iyo barka ka harsan muddo xileedkeeda.

Waxaa uu sheegay in dhameystirka axsaabta badan ee Puntland waa in uusan noqon mid marmarsiyo looga dhigo barnaamij siyaasadeed kale in lagu gaaro iyo muddo kordhin.

Wxaa uu sheegay in halka sano iyo barka ka dhiman muddo xileedka madaxweynaha Puntland wax badan lagu qaban karo intii kale ee harto loo daayo nidaamka kale ee imaan doona.

Dowladda hadda jirta ee madaxweyne Siciid waan hambalyeenenaa tallaabada ay hore u qaaday, waxaan rajeynayaa halka sano iyo barka dhiman in uu waxa uu qaban karo qabto insha Allah wixii kale ee intaa ka hara dowladda soo socota ayaa ku qasbanaaneysa inay hirgaliso.” Ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Sidoo kale, Cabdiweli Gaas oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in Xukuumadda Deni ay u hartay halsano iyo bar, isagoo xusay in Madaxweynaha loo soo jeedeniyay dhaliilo kala duwan oo la xiriira qaabkii loo doortay.

“Dhaliilo badan baa loo soo jeedniyay oo qaabkii loo dooranayay ah oo waxaa la leeyahay Xisbiyada qaarkood dadka ayey lacag siinayeen lacagaa la bixinayay masuq maasuq baa jiray, laakiin xumaantaas ah indhahaa laga qarsan karaa marka xigtana dadka iyagaa gaari doona in aysan lacag wax ku dooran oo ay mabda’ iyo wax qabad wax ku doortaan.” Ayuu yiri ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post