1224 Views

Xassan Naaji “Haddii dowladdu aysan sugi karin amniga dadka waxgaradka ah, beesha Silcis iyada ayaa isku tashan doonta”

Xassan Naaji “Haddii dowladdu aysan sugi karin amniga dadka waxgaradka ah, beesha Silcis iyada ayaa isku tashan doonta”
____________________________________________________________________________

Khamiis, 16 Dec [Qaranimo Online] Waxgaradka beesha Silcis ee ku dhaqan gudaha & dibedda ayaa qayla-dhaan ka soo saaray dilal muddooyinkii u dambeeyey lala beegsaday waxgarad beeshaasi ka soo jeeda, waxaanna qaraar ay si wadajir ah u soo saareen ay ku cambaareeyeen dilalkaasi, baaq na ugu direen dowladda Soomaaliya oo ay ka dalbadeen in ay si degdeg ah baaritaan ugu sameyso ciddii ka dambeysay dilalkaasi.

“Haddii dowladdu sugi karin ammaanka dadka waxgaradka ah ee beesha Silcis ka soo jeeda, beeshu iyada ayaa isku tashan doonta, waayo sannadkan keliya waxaa Muqdisho lagu dilay C/raxmaan Kamaal Shiikhaay oo ahaa Xildhibaan degmada Warshiikh, lagu dilay Madiina, Nabadoon Cusmaan Cumar Calasow oo lagu dilay xaafada Suuqa Xoolaha, Nabadoon Maxamed Xassan oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka beesha, dowladda waxaan u sheegeynaa in dulqaadkii uu naga dhammaaday” Ayuu yiri Guddoomiyaha xiriirka gudaha & dibedda ee beeshaasi Xassan Naaji, wuxuuna intaasi raaciyay in ay nasiib darro tahay in dowladdu ay sugi waysay ammaanka muwaadiniinteedii, kana gaabisay in ay la wadaagto ehelada marxuumiintaasi ciddii dilalkaasi gaystay.

“Beesha Silcis oo ah beel si xooggan u degan Muqdisho & deegaanada ku teedsan waxgaradkeeda oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, culumaa’udiinka iyo guud ahaan shaqsiyaadka hormuudka u ah bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay feejignaadaan” Ayuu yiri Xassan Naaji, wuxuuna intaasi ku daray in dhinacooda ay sameyn doonaan baaritaanno, ayna sharci kasta la tiigsan doonaan cid kasta oo ay ku cadaato in ay geysteen ama wax ka maleegeen dilalka dadkooda waxgalka ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post