1008 Views

Agaasimihii Wasaarada Gaadiidka Nuur Cali Yalaxow oo goor dhawayd lagu dilay Degmada Yaaqshiid.

Agaasimihii Wasaarada Gaadiidka Nuur Cali Yalaxow  oo goor dhawayd lagu dilay Degmada Yaaqshiid.
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 14, 2021

Wararka ka imaanaya Degmada yaaqshiid ayaa sheegay in goor dhawayd halkaas  lagu dilay Alaha Ha U Naxariisto Nuur Cali Yalaxow (Jandhag) oo Agaasime Ka Ahaa Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Wararka ayaa sheegaya in koox ku hubeysan Bastoolado ay ku dileenb Marxuumka meel aan ka fogayn Gurigiisa, waxaana ka soo baxaya Dilkaas warar kala duwan.

Sidoo kale Ciidamada Dowlada ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, waxaana la sheegay in ay meesha ka qaadeen Maydka Marxuumka, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka gaysatay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post